Fahad Yaasiin oo "burburinaya" heshiiska doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay faragelin ku hayso dedaalada dib-u-heshiisiinta ee xukuumada xilgaarsiinta dalka ka wado gobolka Gedo.

Ex-Xildhibaan Cabdullaahi Abdulle Magan oo Sabtida maanta ah saxaafada kula hadlay Muqdisho ayaa ku eedeeyay taliska NISA in ay xireen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ee soo xulaya mudaneyaasha.

Magan oo si gaar ah u carabaabay taliye ku xigeenka NISA ahna musharax Xildhibaan, Cabdullaahi Kulane, ayaa tibaaxay in uu Garbahaarey ka fulinayo amarada kaga imaanaya madaxda ugu sareysa dalka.

Agaasimaha guud ee hay'adda mukhaabaraadka, Fahad Yaasiin Daahir, ayuu cod dheer ku sheegay in uu mas'uul ka yahay boobka iyo isku dayga la doonayo "in lagu afduubto" geedi-socodka xulista Xildhibaanada.

Sida laga soo xigtay mudanaha, Fahad Yaasiin oo koox taabacsan u diray Garbahaarey si gaar ah uga shaqeynaya sidii loo fashilin lahaa dedaalada ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ee dib-u-heshiisiinta dadka.

Rooble ayaa maanta ka degay Garbahaarey. Hase ahaatee, sida uu ogaadey GO, maamulka Jubaland ayaan raali ka ahayn socdaalkan. Xiisada Jubaland waxay u muuqataa mid caqabad cusub soo kordhineysa.

"Fahad Yaasiin Soomaaliya ayuu duleynayaa. Wuxuu caqabad ku yahay doorashooyinka. Shacabka Soomaaliyeed, maamulada iyo Beesha Caalamka waxaan ugu baaqayaa in la qabto ninkaas," ayuu ka dhawaajiyey.

Siyaasiga ayaa caddeeyay in magaala madaxda dalka ee Muqdisho ay ku xayiran yihiin isaga iyo shaqsi kale oo uusan magacaabin kaasoo uu tibaaxay in loo waday in uu noqdo guddoomiyaha degmadda Garbahaarey.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in Villa Soomaaliya ay saddex diyaaradood u kireysay odayaal dhaqameedyo ay kal hore dejisay hoteelo ku yaalo Muqdisho kuwaasoo ay rabto in ay Xildhibaano u soo xulaan.

Farmaajo oo muddo xileedkiisa uu dhamaadey 7-dii Febraayo, sanadkan 2021 ayaa doonaya in uu si awood ah kusoo xusho Xildhibaano taabacsan kuwaas oo ku fadhiisanaya 17-ka kursi ee laga soo doorto gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM