​Somalia: Shabaab oo goob Fagaare ah ku dhisay 3 ruux

Image

BAYDHOBO, Somalia- Malleeshiyada Al Shabaab ayaa fagaare ku yaalla gobolka Baay ku toogtay saddex ruux oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin u ahaayeen Sirdoonka Mareykanka, Kenya iyo Somalia.

Dilka oo ka dhacay deegaanka Yaaq Baraawe, oo katirsan Baay ayaa waxaa lagu fuliyay Cabdullaahi Daamey Maxamed Nuur oo 36 jir, Max’med Iimaan Xasan oo 42 Jir, iyo Maxamed Shariif Cali 21 jir ah.

Daamey waxay Al shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeyn jiray Sirdoonka Mareykanka (CIA), oo u fududeyn jiray Duqeymaha cirka ah ee ka dhaca deegaanada Al shabaab iyo Dilka hogaamiyaasheeda.

Max’med Iimaan Xasan waxaa lagu eedeeyey inuu la shaqeynaayay Sirdoonka Maamulka Jubbaland, halka Maxamed Shariif Cali lala xiriiriyay inuu howl wadeen u ahaa Sirdoonada Militariga dowladda Kenya.

Goobta raggaasi lagu dilayay waxaa joogay shacabka deegaankaas oo usoo daawasho tagay qisaasta dhalinyaradaas.

Maaha markii ugu horaysay Al Shaabab qur-goyso dhalinyaro basaasiin lagu tilmaamay.

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dhinacyada lagu eedeeyay inay la shaqaynayeen saddexdaasi qof.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM