​Somalia: Waqtiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo la iclaamiyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Xildhibaanada Aqalka Sare Barlamanka Federaalka Somalia, ayaa maanta magaalada Muqdishu ku yeeshay kulankoodii ugu horeeyay kaasoo ay uga hadlayeen xilliga ay dooranayaan Guddoonkooda islaamrkaana waxay iska dhex xuleen Guddi ka kooban 6 xubnood oo qaban-qaabi doona doorashada kuwaasoo kala ah;

  1. Maxamed Cismaan Faarax {Hirshabeelle}
  2. Jawaahir Axmed Cilmi         {Galmudug}
  3. Farxaan Cali Xuseen            { Puntland}
  4. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag {Jubbaland}
  5. Cabdirisaaq Axmed Cali      { Somaliland}
  6. Xuseen Sheekh Maxamuud  {Koonfur Galbeed}.

Guddigaas, ayaa iyaguna yeeshay shir gooni ah oo iskaga dhex xuleen Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada oo ay u garteen inuu noqdo Maxamed Cismaan Faarax.

Waxay sidoo kale go'aamiyeen xilliga ay doorashada Guddoonku dhacayso iyagoo ka dhigay 22 January, 2017.

Mudanayaasha Aqalka Sare, ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sidii ay u samayn lahaayeen shuruuco, xeer hoosaadyo ay ku dhaqmayaan inta doorashada lagu jiro iyo waxyaabaha hagaya kulamadooda soo socda.

Kulankii maanta waxaa soo xaadiray 44 mudane iyadoo wadar ahaan Xildhibaanada Aqalka Sare yihiin 54 Xildhibaan.

Dhinaca kale, waxaa isla maanta magaalada Muqdishu ka dhacday doorashada xubno katirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee ka imaanaya gobollada Waqooyi taasoo ay kusoo baxeen murashaxiinta  kala ah;

Ayuub Ismaacil Yusuf

Nuurto Faarax Jaamac

Deeqo Xasan Xuseen.

Xubnaha la doortay ayaa Guddiga doorashada iclaamiyeen inay maanta loo codeeyo saddexdaas kursi.

Arrintan ayaa kusoo beegantay xilli shalay Guddoonka Doorashada dadban iyo kan Xildhibaanada aqalka hoose shir kuwada qaateen magaalada Muqdishu iyagoo ku baaqay in la dar-dargaliyo xubnaha ka dhiman labada Aqal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM