Soomaaligii ugu horeeyay oo Buug ka qoray "Buufiska" Qurbe aadista.

Image

Washimgton-Cabdi Nur Iftin oo ah Nin Dhalinyaro asalkiisu Soomaali yahay balse haysta Dhalashada Maraykanka ayaa dhawaan buugiisu qabsaday baraha Bulshada.

Buuggaan oo uu ugu magac daray (Call Me American) ayaa xooga saaraya sheekada Cabdi Iftin iyo sidoo kale Halganka ay Soomaalidu u maraan badalista dhabaha Mustaqbalkooda marka ay Nolol dhaanta tan dalkooda ka raadinayaan dalalka Galbeedka.

Gobalka Maine ee dalka Maraykanka oo Iftin uu dagan yahay waxaa uu sidoo kale caan ku yahay in uu soomaalida kala hadlo Baraha Bulshada gaar ahaan Aalada Tiktok oo uu kaga hadlayo sheekooyinka noloshooda taabanaya.

Soomaalida Qurbaha gaar ahaan Ragga ayaa lagu dhaliilaa inta badan in aanay wax baran isla markaana hal abuur iyo wax kusoo kordhin Bulshooyinka ay u tagaan balse sheekada Iftin sidaasi waa ay ka duwan tahay.

Dhawaan muuqaal uu soo dhigay baraha Bulshada waxaa uu ugu mahad celiyay dadka kala socda bartiisa isaga oo sheegay in hal habeen oo kaliya laga qaatay Buuggiisa in ka badan 500 nuqul arintaasi oo uu aad ugu faraxsan yahay.

 

GaroweOnline.

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM