Soomaaliya: Al Shabaab oo 11 looga dilay dagaal ka dhacay Hiiraan

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Ciidamada Xoogga dalka ayaa 11 katirsanaa Al Shabaab ku dilay, qaar kalena ku dhaawacay dagaal qaraar oo maanta ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Axmed Tareedisho, oo ah taliyaha ciidamada qeybta 54-aad ee ka howlgala gobolka ayaa xaqiijiyay in dagaalka uu yimid kadib markii Al Shabaab weerar jidgal ah ku qaadey Kolonyo uu la socday gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Askarta ilaalinaysay gudoomiyaha ayaa iska caabiyay weerarka, iyagoo dilay 11 xubnood oo kamid ahaa kooxda weerarka kusoo qaadey, waxaana dhanka ciidanka la sheegay inuu ka dhintay hal Askari.

Cali Jeyte iyo mas'uuliyiin sare oo katirsan maamulka gobolka Hiiraan ayaa waxay la kulmeen weerar kedis ah, xilli ay ka baxeen Beledweyne, kuna sii jeedeen degmada Maxaas ee isla gobolkaasi oo howlo shaqo u aadeen. Halkan ka akhri.

"Argagaxisada waxay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen kolonyada galbiinaysay gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, kadib waa la iska caabiyay, waxaana laga dilay 11 dagaalyahan, dhankeena waxaa naga dhintay hal Askari, afar kalena way naga dhaawacmeen," ayuu yiri Jeneraal Tareedisho.

Gudoomiyaha isagaa badqabo ayuu gaarey Maxaas, kadib weerarka kaasi oo Al Shabaab sheegtay inay ku dishay saddex askari oo kamid ahaa kuwii la socday Cali Jeyte, sidoo kalena ay ka gubeen gaadiid dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM