Gudoomiyaha gobolka Hiiraan oo Isku-day dil ka badbaaday

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in gudoomiyaha cusub ee gobolkaasi Calii Jeyte Cismaan uu saaka ka badbaaday isku-day dil kadib markii lagu weeraray duleedka Beledweyne.

Sarkaal katirsan maamulka gobolka, oo magaciisa ka gaabsaday ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Kolonyo uu la socday gudoomiyaha ay jidka u galeen xoogaga Al Shabaab, xilli uu ku wajahnaa degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Ciidamo galbinayay gudoomiyaha ayaa iska-caabiyay dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka kusoo qaaday Kolonyada, kadib markii ay dagaal daqiiqado socday ay la galeen, iyadoo iska hor-imaadka uu ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo Mas'uuliyiinta la socday ayaa la sheegay inay bad-qabaan, oo wax khasaaro ah kasoo gaarin weerarka Al Shabaab, waxayna si nabad ah ku gaareen degmada Maxaas oo markii hore kusoo jeedeen.

Gobolka Hiiraan degmooyinkiisa waxaa saaran xayiraad iyo go'doomin tan iyo 2014-kii markii Al Shabaab laga saarey guud agaan degmooyinka, waxayna Kooxda gacanta ku haysaa deegaanada isku xira degmooyinka.

Cali Jeyte ayaa xilka gudoomiyaha gobolka Hiiraan waxaa u magacaabay Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare bishii September, kadib markii xilka laga qaaday Cumar Aadan Ibraahim Baadiiyoow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM