Soomaaliya: Dhaqaatiir ka socda Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad siday Dhaqaatiir iyo deeq daawo ah, oo ka socda dowladda Jabuuti ayaa maanta soo gaarey Muqdisho, iyagoo qeyb ka ah gurmadka caalamka u fidinayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii Zoobe.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed, ayaa xaqiijiyay in 27 dhaqtar iyo daawooyin kale duwan ay dowladda Jabuuti soo gaarsiisay Muqdisho. Wafdigan waxaa hogaaminaya Wasiirka caafimaadka dalka Jabuuti.

Dhaqaatiirtan ayaa waxay ku biiri doonaan gurmadka xoogga leh ee ka socda Muqdisho, gaar ahaan xaruumaha caafimaadka, kaasi oo lagu badbaadinayo nolosha dadka ku dhaawacmay qaraxa, oo lagu qiyaasay inay gaarayaan 430 qof.

Dowladda Jabuuti ayaa noqonaysa dalkii labaad oo is-garab-taagga Soomaaliya, oo ku jirta maalmo baroor-diiq ah, oo calankeedana hoos loo dhigay, kadib markii uu ka dhacay qarax geestay khasaaro lixaad ah, kaasi oo ay ku dhinteen 302 qof.

Diyaaradda Military oo uu soo diray Madaxweynaha Turkiga, ayaa saaka kusoo dagtay magaalada, taasi oo uu la socday Wasiirka caafimaadka dalkaasi iyo dhaqaatiir, iyadoo sidoo kale u keentay shacabka dhibaatada soo gaartey daawooyin.

In ka badan 30 qof oo dhaawacyo culus qaba ayaa loo duuliyay saaka magaalada Istanbul, ee dalka Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM