Soomaaliya: Duqeyn Cirka ah oo ka dhacday Shabeellaha hoose

Image

AWDHEGLE, Soomaaliya - Duqeyn dhanka cirka ah, ayaa xalay waxay ka dhacday gobolka Shabeellaha hoose, taasi oo lala eegtay Kolonyo gaadiid ah, oo ay la socdeen hogaamiyaal sare oo katirsan Al shabaab.

Ahmed Ibrahim, oo kamid Saraakiisha ciidamada gobolka, ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in diyaarado loo maleynayo kuwa Militariga Mareykanka ay bartilmaameedadeen Gaadiidka Al Shabaab, xilli ay kusii jeedeen tuulada Awdheegle.

Wuxuu sheegay in dhawaqa qaraxyada gantaallada lagu garaacay Al Shabaab ay ka maqlayeen meel fog, islamarkaana ay heleen xog ku saabsan inay dhinteen dhamaan hogaamiyaashii la soctay baabuurtaasi la duqeeyay.

Ma cadda tirada xubnaha Al Shabaab looga dilay duqeynta, iyadoo goobtuna ay aad u adag tahay inay Saxaafadda booqato maadaama ay kooxdan ay maamusho.

Lama oga sidoo kale halka laga leeyahay Diyaaradaha fuliyay weerarka, balse waxaa loo maleynayaa inay ka dambeeyaan ciidamada Mareykanka, ee ka howlgala Soomaaliya, kuwaasoo ka gacan siiya AMISOM iyo ciidanka dowladda dagaal kula jira Al shabaab.

Weerarka wuxuu kusoo aadayaa maalmo kadib markii qarax weyn oo ka dhacay Isgoyska Zoobe ay ku dhinteen in ka badan 300 oo qof, oo u badan dad shacab ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM