Soomaaliya: Gudoomiyihii Balcad oo xilka laga qaaday

Image

BALCAD, Soomaaliya - Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xilka ka qaadey gudoomiyihii degmada Balcad, ee gobolka Shabeellaha Dhexe, Cismaan Maxamed Maxamuud.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare, ayaa xilkii looga xayuubiyay gudoomiyaha, waxaana xilkaasi loo magacaabay islamarkiiba Qaasim Cali Nuur.

Sababta xilka looga qaadey Cismaan lama shaacin, balse War saxaafadeedka waxaa lagu xusay in ay timid kadib talo soo jeedin bulshada qeybaheeda kala duwan, iyo waxgaradka degmada Balcad.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa daboolka ka qaadey inay jirto baahi ku aadan in dib u habeyn lagu sameeyo maamulka degmooyinka iyo midka gobolka Shabeellaha dhexe.

Xilka ka qaadista gudoomiyaha Balcad ayaa imaanaysa iyadoo aan wali Waare loo caleema saarin xilka, oo uu kala wareegay Cali Cosoble, kadib markii uu ku guuleystay doorasho ka dhacday bishii September.

Dhanka kale, Madaxweynaha oo maanta khudbad ka jeediyay Baarlamaanka HirShabeelle ayaa ka codsaday Xildhibaanada inay mudo bil ah ugu kordhiyaan waqtiga uu kusoo magacaabayo Gollahiisa Wasiiradda cusub.

Baarlamaanka ayaa ka aqbalay Waare codsigiisa, ku aadan mudo-kordhinta dhisamaha Xukuumadiisa, taasi oo lagu saleyn doono qaabka awood-qeybsiga Beelaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Hoos ka akhriso Wareegtada:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM