Soomaaliya: Gurmad horleh oo soo gaarey Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Tan iyo shalay waxaa Muqdisho soo gaarayey gurmad caafimaad, oo loogu talo galay in lagu caawiyo dadkii ku dhaawacmay masiibadii ka dhacday 14-kii October Isgoyska Zoobe.

Diyaarado sida Deeq daawo ah, oo ka socdo Mareykanka, Qadar iyo Kenya ayaa kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Labo Diyaaradood oo ka socda Kenya, hal dalka Qadar iyo mid military oo Mareykanka soo diray ayaa waxay keeneen dhowr tone oo daawo ah.

Kenya waxay u qaadey Nairobi 12 dhaawac ah, halka Suudaan loo duuliyay 23 qof oo qaba dhaawacyo kale duwan oo aad u culus.

Qadar dhaawacyadii ay kasoo qaadey Muqdisho waxay u weecisay dhanka dalka Suudaan.

Shalay waxaa soo gaarey Magaalada Diyaarado sida daawo iyo dhaqaatiir kuwasoo ka yimid dalalka Turkiga iyo Jabuuti.

Dowlad Soomaaliya oo go'aan dhexdhexaad ka qaadatey khilafka u dhexeeya wadamada Khaliijka ayaa wadanka Qadar waxaa u arkey in go'aankaas loogu hiiliyey taasooo keentey in uu hoos u dhaco xiriirka Villa Soomaaliya iyo wadamada Sucuudiga iyo Imaraadka.

Agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yasiin oo horey uga shaqeyn jirey wadanka Qadar ayaa la rumeysan yahay in xiriir fiican la leeyahay dowlada Doha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM