Soomaaliya iyo UN-ka oo ka shiray qorshaha kala-guurka qaran

Image
Image
Image
Darafyada ayaa isla soo qaadey sidii ciidanka xoogga dalka ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xasan Siciid Samatar ayaa kulan miro dhal ah la yeeshey ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya.

Dhinacyadda ayaa waxay kawada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa Qorshaha Kala-guurka Qaran iyo sidii Ciidanka Xoogga Dalka ay ula wareegi lahaayeen amniga guud ee dalka.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa waxay sheegtay in darafyadda ay hoosta ka xariiqeen in lasii kordhiyo Dib-u-habeynta ciidamada, sare u qaadidda howlgallada Amisom.

Ugu dambeyntii, wuxuu Wasiirka u caddeeyey inay ka go’an tahay Dowladda Federaalka inaan Ciidanka Xoogga la siyaasadeyn, kuna ekaadaan waajibaadkooda qaran.

"Wuxuu uga mahadceliyey ergeyga gaarka taageerada ay lagarab taagan yihiin sidii Soomaaliya ay u hanan laheyd amniga dalka," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM