Soomaaliya oo dib-u-fureysa safaaradeeda Nairobi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa u baahan in ay dib u furaan safaaradahooda labada dal si ay boorka uga jafaan cilaaqaadka mugdiga galay, sidda ay dalbatay Muqdisho.

Wasaarada arrimaha dibada xukuumada xilgaarsiinta, oo Sabtida maanta ah war-saxaafadeed soo saartey, ayaa adkeysay go'aanka ay qaadatay oo ahaa in ay xiriir wanaagsan ka yeelato dhigeeda Kenya.

"Dib-u-bilaabida xiriirka diblumaasi wuxuu bilow wanaagsan u noqon kartaa dardargelinta wadaxaajoodyadda laba geesoodka ah ee labada waddan," ayay wasaaradda ku tiri war-saxaafadeedkeeda.

Qoraalka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayay wasaaradda ku sheegtay in ay kalsooni weyn ka qabto sidii dhigeeda Kenya ay ku raaci doonto baaqa lama filaamka ah ee ay jeedisay.

Soomaaliya bishii Diseembar 2020 waxay u jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Kenya, iyadoo ku eedeysay Nairobi inay si joogto ah ugu xadgudubto madaxbannaanida Muqdisho Muqdisho waxay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Nairobi 5-tii Maajo iyadoo ay dhexdhexaadisay Qatar.

Maamulka Duulista Hawada ee Kenya ayaa joojiyay dhamaan duulimaadyadii aadi jiray iyo kuwii ka imaan jiray Soomaaliya 11-kii bishii May kadib markii Soomaaliya ay diiday in laga qaado xayiraada lagu soo rogay 2020-ka duulimaadyada xamuulka Kenya ee qaadka (miraa).

Dalabka cusub ee ka yimid Soomaaliya ayaa u muuqda mid maamulka waqtiga ka dhacay ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ku doonayo in uu ku hagaajiyo sawirkiisa gobolka kahor bilowga ololaha doorashada.

Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM