Soomaaliya oo gudbineysa dacwad ka dhan ah Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Soomaaliya ayaa dhigeeda Kenya waxay ku eedeysay duqeyn 3-dii bishan June ka dhacdey gobolka Gedo taasoo galaafatay nolosha shacab isku qoys ahaa.

Wasaaradda arrimaha dibada xukuumada Muqdisho ayaa sheegtay in dhacdadaas ay si xoogan u cambaareyneyso dacwad la xiriirta falkanna u gudbin doonto Golaha Ammaanka Midowga Afrika.

Weerarka dhanka cirka oo la wariyey in ay geysteen diyaaradaha dagaalka milatariga Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa ka dhacay degaanada Ceelcadde iyo Hisa-u-gur ee Gobolka Gedo.

"Way sii kordhayaa howlgalada daandaansiga iyo kala sooc la'aanta ee ciidamada Kenya ka fulinayaan Soomaaliya iyadoo lagu marmarsiyoonayo la dagaallanka xagjirnimada, gacan kama geysaneyso dadaallada xasilinta iyo ka-hor-tagga xag-jirnimada taas bedelkeeda waxay xagjirineysaa bulshada taageerta xagjiriinta," ayay tiri wasaaradu.

Hogaanka dowlada Kenya ayay ku eedeysay in ay ka gaabiyeen u hogaansamida shuruucda caalamka "taasoo horseeday xiriirka diblumaasi ee sii xumaanaya" ee labada dowladood ee deriska ah.

Muqdisho iyo Nairobi ayaa isku haya arrimo ay kamid yihiin dacwadda badda ee hortaala Maxkamada Cadaalada Aduunka ICJ taasoo natiijada la filayo dhowaan iyo ka ganacsiga Jaadka miiraha Kenya.

Wadahadalo dhowr ah oo madaxda labada waddan ay yeesheen ayaa kusoo dhamaadey in wali aan la qaboojin xiisada iyaddoo isku-daygii u dambeeyay oo Qadar ay sameysay uu dhicisoobay.

Hoos ka akhriso qoraalka Soomaaliya

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM