Soomaaliya oo ka falcelisay hakinta Kenya ee dulimaadyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka duulista hawada xukuumada xilgaarsiinta Soomaaliya, Dufaan Axmed Faarax, ayaa sheegay in aysan fileyn go'aanka Kenya ku joojisay duulimaadyadda.

Duraan oo u waramay Idaacadda BBC-da ayaa go'aanka xukuumada Nairobi ku sifeeyay "mid sii fogeynaya" xiisadda dhextaala labada dal ee biyaha qabow lagu shubay todobaadkii lasoo dhaafay.

Hay'adda duulista rayidka Kenya ayaa Talaadada maanta ah waxay ku dhawaaqdey in ay hakisay dhamaan duulimaadyadda ka yimaada iyo kuwa tagaya Soomaaliya.

Sida ku xusan qoraal kasoo baxay hay'adda, go'aankan wuxuu saameyn doonaa dhinac walba rka laga reebo kuwa dhaawacyada ciidamada iyo howlaha bini'aadantinimada.

Hay'addu ma aysan faahfaahin sababaha laakiin waxay soo jeedisay inuu jiray amar amni oo ka yimid dowladda oo lagu xadidayo isu socodka diyaaradaha labada dal.

Go’aanka ayaa ka dhigan in aan la ogolaan doonin dhammaan duulimaadyada la kireystay iyo kuwa qorsheysan ee tagaya Soomaaliya. Si kastaba ha noqotee, duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya, ee maraya hawada Kenya kuna sii jeeda meel kale ayaa laga saaarey liiska.

Warkan ayaa lagu dhawaaqay xilli Madaxweynaha waqtiga ka dhacay ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo uu culeys saarey dalka Kenya isagoo kusii jeeda dalka Uganda si uu uga qeyb galo caleema saarka Madaxweynaha Yoweri Museveni.

Talaabaddan waxay imaaneysaa xilli Muqdisho ay diidey in ay xayiraado ka qaado Jaadka miiraha Kenya taasoo sababtay in Jaadleyda Kenya ay qasaaraan kumanaan doolarka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM