Soomaaliya oo kasoo muuqatay dalalka ugu halista badan 2024-ka

Image
Qiimeyntan ayaa dadka safarada badan uga digaysa in ay booqdaan wadamada ku jira liiskan.

LONDON, United Kingdom - Daraasad cusub oo ay soo xigatay The Independent ayaa lagu shaaciyay liiska wadamada aduunka ugu khatarta badan in la booqdo kahor sanadka cusub ee soo aadan 2024-ka.

Hay'adda la-talinta caafimaadka iyo amniga ee International SOS ayaa Koonfurta Suudaan, Afgaanistaan, Suuriya, Liibiya iyo Soomaaliya waxay ku sheegtay dalalka ugu khatarta badan sanadka 2024.

Qiimeyntan sanadlaha ah ayaa waxay ku saleysan tahay arrimo kala duwan waxaana ujeedku yahay in lagu wargeliyo dadka inta badan safarada badan meelaha aysan ka tagi karin guud ahaan dunida.

Meelaha la eegayo waxaa kamid ah dhinacyadda caafimaadka iyo amniga iyadda oo la eegayo dhacdooyinka sida iska-horimaadyada ka socda Ukraine iyo dagaalka u dhexeeya Israel iyo Hamas.

Sannadkan, markii ugu horreysay, qiimeynta ayaa lagu daray qiimeyn ku salaysan khatarta isbeddelka cimilada, ka dib markii hay'adda caalamiga ah ee SOS ay aragtay kor u kaca tirada digniinta cimilada.

Xogta waxaa isku-dabariday xarunta Inform oo ah iskaashi u dhaxeeya Xarunta Euro-Mediterranean ee Isbeddelka Cimilada iyo Xarunta Cilmi-baarista Wadajirka ah ee Komishanka Yurub.

"Hadafku wuxuu yahay ka feejignaanta khataraha mustaqbalka ee dhibaatooyinka bini'aadanimo iyo masiibooyinka ay keento isbeddelka cimilada," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah cilmi-baarista hay'addan.

Soomaaliya ayaa waxaa ku xooggan kooxda Al-Shabaab taas oo fulisa howlgalo kala duwan oo ay ku beegsato ciidamada iyo xarumaha dowladda si lamid ah goobaha ay joogitaanka ku leeyihiin askarta ajnabiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM