Somalia oo laga qaadey xayiraad loo saarey Covid-19 awgii

Image

LONDON, UK  Jamhuuriyadda Ireland ayaa waxay dalal ay kamid tahay Soomaaliya waxay ka qaadey xayiraad dhanka socdaalka ah oo la xiriirta safmareenka Coronavirus, sida ay warisay saxaafadda maxaliga ah ee waddankaas.

Xayiraadan ayaa ku saabsan in waajib ay tahay dadka ka imaanaya wadamadaas ay kamid ahayd Soomaaliya in ay 14-maalmood karantiil ku qaataan hotel kahor inta aysan dhexgelin qeybaha kale ee dadweynaha.

Wasiirka caafimaadka Ireland, Stephen Donnelly oo go’aankankan ku dhawaaqay, ayaa ka dhawaajiyey in uu ku dhaqan-gelayo si deg-deg ah laga bilaabo 19-ka bishaan Julaayo oo ku beegan Isniinta berrito ah.

Donnelly ayaa intaas ku daray in xayiraadan ay gabi ahaanba lawada qaadin hase ahaateen wadamadan looga saarey liiskan kadib markii ay "horumar ka sameeyeen la tacaalida safmarka hoosna u dhacay heerka faafitaanka".

"Dadka u socdaalaya Ireland, markay soo galeen ama ay sugaal kusoo yihiin waxaa loo qoondeeyey in ay 14 maalmood ku jiraan karantiil waxay sii waddan karaan karantiilka haddii loo baahdo waana mid qasab ah illaa ay daruuri noqoto in meesha laga saaro," ayuu hoosta ka xariiqay.

Cuba ayaa kamid ah wadamadda ugu dambeeya ee liiskan madow lagu daray sababo ku aadan kororka xaaladaha fayruskan ee saacadihii lasoo dhaafay la diiwaan-geliyey.

Waaxda Caafimaadka Ireland ayaa soo warisay in 79 bukaan cusub oo qaba cudurka la dhigay isbitaaladda 24-kii saac ee lasoo dhaafay ayna ku jiraan 23 bukaan oo la seexiyey qolka xaaladda deg-deg ah sababo ku aadan kiiskooda o oculus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM