Soomaaliya oo lagu daray liiska dalalka "uu aafeeyay" Coronovirus

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Sacuudiga ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqay in uu joojiyey Cumrada. Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaas waxay go'aankaas ku qeexdey mid "ku meel gaar ah".

Sidda ku xusan war-saxaafadeed, talaabadaan ayaa la xiriirta ka hortaga faafintaanka caabuqa dilaaga ah ee Coronovirus, kaasoo dunida khatar ku ah.

Wasaaradda ayaa daabacday liiska dalal ay sheegtay in uu "aafeeyay" cudurkaan galaaftay nolosha in ka badan 30-kun oo ruux.

Liiskaas oo warbaahinta loo dusiyey waxaa kasoo muuqday Soomaaliya, dal dhaca Geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika.

Wadamada ayaa kala ah;

China, Iran, Italy, Korea, Japan, Thailand, Malaysia, Indonesia, Pakistan, Afghanistan, Philippines, Singapore, India, Lebanon, Syria, Yemen, Azerbaijan, Kazakhstan, Uzbekistan, Somalia iyo Vietnam.

Talaabada Riyadh ayaa timid iyaddoo dowladda federaalka Soomaaliya ay horey u shaacisay in dalka aanan laga helin kiis la xiriira Coronovirus isla markaana uusan ku jirin "kuwa u nugul".

Shirkadaha duulimaadyadda caalamiga ah sameeya ayaa bilaabay in ay muwaadiniinta wadamadaas ka mamnuucaan diyaaradooda, waxaana talaabada ugu horeysay qaadey diyaaradda Imaaraadka.

Coronovirus oo kasoo bilowday gobolka Wuhan ee China ayaa si dhaqsiyaha ugu faafay qaar kamid ah dowladaha ugu tunka weyn caalamka, taas waxay xoojisay cabsida laga qabo in uu meelo kale gaaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM