Shirkada diyaaradaha Imaaraadka oo xayiraad kusoo rogtay Soomaaliya

Image

ABU DUBAI, UAE – Shirkadda Duulimaadka Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqdey in aysan Sacuudi Carabiya u qaadi doonin rakaabka 20 waddan oo ay kamid tahay Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirkadda ayaa daaha looga rogay in sababta ay la xiriirto xayiraadda ay Riyadh kusoo rogtay cabsida laga qabo caabuqa dilaaga ah ee Coronovirus.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu daabacay website-ka rasmiga ah ee shirkaddu ku leeyahay baraha Internet-ka.

Xayiraada ayaa saameyn doonta dadka haysta fiisaha dalxiiska iyo midka Cumradda, sidda lagu xaqiijiyey warka qoraalka ah.

"Dhamaan macaamiisha haysta fiisaha dalxiiska ee China, Iran, Italy, Korea, Japan, Thailand, Malaysia, Indonesia, Pakistan, Afghanistan, Philippines, Singapore, India, Lebanon, Syria, Yemen, Azerbaijan, Kazakhstan, Uzbekistan, Somalia iyo Vietnam, illaa iyo amar dambe qeyb kama noqon karaan duulimaadyadeena, iyaddoo la tixraacayo amarka kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Sacuudiga," ayay tiri.

Sidda laga soo xigtay qoraalka, dhamaan dadka haysta dal ku galka Cumrada ayaanan sidoo kale loo ogoleyn in ay galaan Boqortooyadda Sacuudiga, illaa iyo amar dambe.

"Dhamaan dadka laga baajiyey duulimaadka waa in ay la xiriiraan xafiiskeena si ay u helaan fursad kale," ayay xustay.

Sacuudiga oo mar sii horeysay ku dhawaaqay in uu si ku meel gaar ah uga joojiyey ajaaniibta Cumrada ayaa sababta ku sheegay si uu kaga hortago faafinta cudurka kumanaanka qof galaaftay.

Coronovirus oo kasoo bilowday dalweynaha Shiinaha ayaa si dhaqsiyaha ah ugu faafay dalal badan, waxaana la xaqiijiyey in uu dilay ku dhowaad 30-kun oo ruux, waxaana la il-daran tiro intaa ka badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM