Soomaaliya oo loo cusboonaysiiyay cunaqabateynta hubka saaran

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kalfadhigoodii 9477-aad ku soo saaray go’aan lagu kordhinayo mudada cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya illaa dhammaadka sanadkan.

Goluhu wuxuu tixgeliyey in xaaladda ammaan ee Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ku ah amniga caalamka.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale dib u cusboonaysiiyay howlaha guddiga khubarada ah ee dabagala cunaqabateynta saaran Soomaaliya ilaa 31-ka December 2023.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan la kulmi doona Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska oo uu kala hadli doono cunaqabateynta hubka, maadaama UK ay xubin joogto ah ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM