Soomaaliya oo soo celisay xiriirka diblumaasi ee Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeeda dastuuriga ah uu dhamaadey ayaa Arbacada maanta ah waxay si rasmi ah ku dhawaaqdey in ay dib u soo celisay xiriirka diblumaasiyadeed ee qaranka Kenya.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta xukuumada xilgaarsiinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Alcadaala, ayaa shir jaraa'id oo Muqdisho ku qabtey wuxuu ku shaaciyey go'aanka uu qaatay taliska Farmaajo.

Alcadaala oo kamid ah mas'uuliyiinta daacada u ah maamulka waqtiga ka dhacay ayaa saxaafadda u mariyey "war-murtiyeed wadajir ah oo kasoo wada baxay Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Kenya".

Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, ayuu ka dhawaajiyey in ay ku heshiiyeen "in labada dal ay xormeeyaan madax-banaanida labada waddan".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Alcadaala ayaa xaqiijiyey in go'aankan uu daaha ka rogay uu ku yimid faragelin iyo dhexdhexaadin ay dowladda Carbeed ee Qadar ku sameysay khilaafka diblumaasiyadeed ee labada dal.

"Madaxwayneyaasha labada dal waxay amiirka dowladda Qadar ay uga abaal haayaan dedaalka uu ka geystay arrintaan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Alcadaala.

Kahor inta uusan soo afjarin guud ahaan shirka jaraa'id, Alcadaala oo ka jawaabay su'aal ka timid wariye kuna saabsaneyd waxa go'aankan waqtigan kusoo beegay ayaa xusay in "Nairobi ay joojisay faragelinta arrimaha dalka".

Bishii December 12-keeda sanadkii 2020 ayay ahayd markii dowlada federaalka Soomaaliya ay xiriirka u jartay Kenya, iyaddoo ku eedeysay Nairobi faragelinta arrimaha gudaha iyo ku xadgudubka "si joogta ah" madax-banaanida dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM