Soomaaliya oo taageero u goobeysa dib-u-eegida AMISOM

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxay ku dhawaaqdey in ay taageero u goobeyso dib-u-eegida joogitaanka ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

AMISOM oo Soomaaliya ka howlgaleysa tan iyo 2007-dii ayaa qorshaha kala guurka ah wuxuu xeerinayaa in ay mas'uuliyadda ammaanka ay dhigooda Soomaaliya ku wareejinayaan dhamaadka sanadkan 2021-ka.

Warbixin dhowaan kasoo baxdey guddiga madaxa-banaan ee qiimeynta Midowga Afrika ayaa lagu soo bandhigay talooyin ku saabsan mustaqbalka AMISOM iyo qaabka ay u shaqeynayaan kadib sanadka 2021-ka.

Xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho oo si horudhac ah waxay u diidey warbixintaas ayaa ku tilmaamtay mid aan lagala tashan isla markaana meel ka dhac ku ah jiritaanka dalka.

Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland Simon Coveney oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho.

"Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Midowga Yurub ee Ireland xubinta ka tahay, arrimaha doorashooyinka, taageerada amniga iyo taageerada arragtida Soomaaliya ee ku aaddan dib-u-eegista Ciidanka AMISOM, Dib u eegista Xayiraadda Hubka ee muddada dheer saaran Soomaaliya maadaama ay xubin ka yihiin golaha amniga ee Qaramada Midoobay," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Ololaha ku wajahan AMISOM ee Soomaaliya ay bilowdey iyaddoo ku jirta mar-xalad doorasho ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf uu ka dhex-qarxay hogaanka taliska AU-da iyo Soomaalida kaasoo curyaamiyey howlgaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM