Soomaaliya oo Venezuela la wadaagtey fursado maalgashi

Image
Wasiiradda arrimaha dibadda labada dal ayaa yeeshay wadahadal dhanka telefoonka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa shalay khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Venezuela, Felix Plasencia.

Sida laga soo xigtey qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal.

Labada Wasiir ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray sidii ay Labada Dal u yeelan lahaayeen iskaashi dheef-wadaag ah oo taabanaya dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga, diblomaasiyadda iyo ganacsiga.

Cali ayaa Plasencia la wadaagay fursadaha dhaqaale iyo maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo sida ay uga go'an in ay Labada Dowladood yeeshaan xiriir qotadheer oo ku qotoma danaha Labada Shacab iyo Labada Qaran ee Soomaaliya iyo Venezuela.

GAROWE ONLINE

Related Articles

NISA oo FBI-da Mareykanka u gacan gelisay Muwaadin Soomaali ah

Tan iyo sanadkii 2022-kii, Eidleh wuxuu ka baxsaday caddaaladda Mareykanka, isagoo ku dhuumanayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 07:34AM

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM