Soomaliya: Mucaaradka Jubbaland oo ku baaqay abaabulka macawuusleey

Image

KISMAYO, (GO) - Siyaasiyiinta mucaaradka Jubbaland ayaa bilaabay labo kaclayn lagu dhaliilayo xukunka Axmed Maxamed Islaam ee 10 jirsaday, waxayna ku baaqayaan in isbadelo la sameeyo.

Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo wasiir federaal ah soo noqday, haddana ah dadka ugu codka dheer mucaaradka Jubbaland ayaa wareysi uu bixiyay ku eedeeyay Axmed Madoobe in uu jiho wareerinayo halganka xoreynta Jubbaland “shalay wuxuu na lahaa ciidan igu filan ma haysto oo ma xoreyn karo jubbada dhexe, Maanta wuxuu na leeyahay Macawuusleyda Uma baahni oo waxaan haystaa ciidamo igu filan”, ayuu yiri Oomaar oo wareysi bixiyay isaga oo Nairobi ku sugan. 

Oomaar ayaa ku baaqay in La abaabuli dadka deegaanka, si ay isaga dul qaadaan Alshabaab, isaga oo sheegay in wadaadkii kasoo cararay Hargeysa uu gabbaad kasoo dhigtay Jubbada Dhexe , cid kasta oo kalena ay sidaasi gabbaad uga dhigato.

Sidoo kale siyaasiyiin uu hormuud u yahay Cabdullaahi Cilmooge Xirsi oo London ku shirey ayaa ku baaqay isbadel dhab ah in uu Jubaland ka dhoco.

Si kastaba ha ahaatee, ma jiro dhaqdhaqaaq ciidan oo ka socda Jubaland xilli dagaalamayaasha Alshabaab oo kasoo cararaya dagaalka kaga socda Koonfur Galbeed iyo Gobolada Dhexe ay suurtogal tahay in ay soo galaan Jubbooyinka.

Sidaasi oo ay tahay wararka ay heshay GO ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubaland uu dhowaanahan wadahadal la lahaa dowladda cusub ee Kenya arrimo la xiriira hawlgal ciidan oo Alshabaab ka dhan ah .

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM