Sooyaalka taliyihii Gorgor: Midowgii Maxaakiimta illaa ciidanka Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib laba fadhi oo dhageysi ah, maxkamada ciidamada ayaa xukuno dil toogasho iyo min shan sano oo xabsi ah kasoo saartay dilka taliyihii ururka Gorgor ee kumaandooska Soomaaliyeed.
Maxamed Saleebaan Abiikar [Maxaadey] oo ahaa 38-sano jir waxaa dishay rasaas ay rideen ilaalo huteel xilli uu marayey kontarool kadib markii uu kasoo laabtay howlgal ka dhan ah maleeyshiyaadka Al-Shabaab.
Dhacdadaas waxaa sidoo kale ku naf-waayey Ismaaciil Maxamuud Maxamed, oo kamid ahaa ilaaladda taliyaha, sidda ay dacwad-oogeyaashu sheegeen.
Xukunsaneyaasha waa afar kamid ah ilaalada hotel Maa'ida [Ex-Naasa Hablood 2]. Xasan Shuute Cismaan iyo Juule Gaabow Ibraahim ayaa lagu ridday dil toogasho; labadooda waxaa la wariyey in dambiga lagu helay.
Mukhtaar Cabdullaahi Muuse iyo Salaad Xayle Macalin ayaa lagu xukumay min shan sano oo xabsi ah. Xukunadan waxaa la furan racfaan muddo bil ah.
Inkastoo qareenadooda ay diideen sheegashadaas, dacwad-oogeyaasha ayaa ku adkeystay in ilaaladda ay "si bareer ah u fureen rasaasta maadaama taliyaha uu u hogaan-samay amarkooda ahaa in uu dib u laabto".
Sidda ku xusan warqadda xukunka oo nuqul kamid ah uu arkay GO, xukunka waxaa lagu saleeyay caddeymo iyo markaatiyeyaal. Caddeymaha waxay qaarkood ka yimaadeen Sheybaarka Cilmiyeysan ee bileyska.
Sheybaarka ayaa "caddeeyay isku-dhiganka fooqa iyo gumaca goobta laga soo qaadey in ay lahaayeen afarta qori ee la keenay Maxkamadda oo ay lahaayeen afarta eedeysane".
Lama ogga haddii qareenadda xukumaneyaasha ay racfaan ka qaateen xukunkan ama ay ka qaadan doonan. Warbixinta uu Telefishinka Qaranka ka diyaariyey sheekaddan laguma soo hadal-qaadin arrintaas.
Midowgii Maxaakiimta illaa ciidamadda?
Alle u raxmadee, Maxaadey ayaa 1982-dii ku dhashay tuladda Mir-tuugo oo hoos-tagta degmadda Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Halkaas ayuu ku bartay Qur'aanka iyo Diinta.
Qayb kamid ah waxbarashadiisa maadiga ah ayuu ku qaatay Iskuulka Mubaarak iyo Jaamacadda Simad ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.
Jaamacad ku taala dalka Uganda ayuu ku qaatay heerka koowaad ee Jaamacadda, sidda ku xusan dukumiintiyadda uu arkay GO, halkaas ayuuna ku bartay culuumta Maamulka iyo Maareynta.
Xilli tobbankii sano ee lasoo dhaafay uu kamid ahaa ciidamadda, xeeladaha dagaalka iyo hogaaminta xiliyadda adag ayuu ku bartay tababaro kala duwan oo loogu diray wadamadda Turkiga iyo Uganda.
Gulufyaddii Al-Shabaab looga saarey Dhanaane, Ceel-siliini, Awdheegle iyo tuulooyin kale ayuu qayb ka ahaa, isagoo ah taliyaha ururka Gorgor ee kumaandooska Soomaaliya oo Turkiga uu tababaro.
Hotel Maa'ida oo magaca laga bedelay markii ay dhowr jeer beegsatay kooxda gacansaarka la leh ee shabakadda Al-Qaacidda waxaa saami ku leh mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Intaas waxaa wehlisa, Maxaadey wuxuu xubin kasoo noqdey Midowgii Maxaakiimta, sidda marwadiisa Caasha Xuseen Sheekh Cali ay ku sheegtay wareysi ay bixisay bishii December ee sanadkii hore 2019-kii.
Caasha ayaa ku dhaliishay madaxda dowladda federaalka ah in aysan uga tacsiyeyn geerida seygeeda oo ay ku tilmaamtay "waddani dhab ah iyo geesi jeclaa dalkiisa kana fog raadinta lacag oo daacad ah".
Marxuumka oo "sidda afkiisa hooyo oo kale ugu hadlayey" luuqadaha Sawaaxili, English iyo Carabi isla markaana markii ugu dambeysay baranayey Turkish ayaa wuxuu ifka kaga tegay Afar caruur ah – laba wiil iyo laba gabar.
GAROWE ONLINE