Taliska ciidanka oo sheegay in ay dileen xubo Al-Shabaab ahaa

Image
Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa dhaqdhaqaaqa ugu badan ka sameeya Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - 25 dagaalame oo katirsan maleeshiyada Ururka Al-Shabaab, ayaa lagu dilay howlgal ka dhacay duleedka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose sida uu sheegay taliska milatariga Soomaaliya.

Inta u dhexaysa deegaanada Tawakal & Bariire ee gobolka Shabaalle hoose ayaa ciidanku ka fuliiyeen howlgalka oo qorshahiisu ahaa “ilaalinta nabadgalyada wadada isku xirta deegaanadaas oo dhowr jeer weeraro Jidgal ah ay ka fuliyeen xubno ka tirsan Al Shabaab.

Taliyaha Ururka 4aad Guutada 17aad ee Gorgor Dhamme Nageeye oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in howlgalkaan ay uga hortageen xubno katirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayay deegaannada la weeraray.

Nageeye ayaa xusay in howlgallada ka socda Gobolka Shabeelaha Hoose ay sii soconayaan illaa inta ay ka xaqiijinayaan nabadgalyada waddooyinka isku xira Degmooyinka Ciidanka Xoogga Dalka ka joogaan Gobolkaas oo ka mid ah deegaanada xudunta u ah Al Shabaab.

Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa dhaqdhaqaaqa ugu badan ka sameeya Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo Al-Shabaab, waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro sababay dhimasho, dhaawac iyo deegaanno ay kala qabsadeen labada dhinac.

Axadii golaha wadatashiga qaran ayaa la faray qaybaha kala duwan ee in ciidanka in ay dhex-dhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda, oo ay diirada saaraan masuuliyada amniga maadaama mudadii uu xafiiska joogey Farmaajo ay Ciidanka qaranka si aad ah ugu milmay siyaasadda, iyadoo dowladaha taageera ay walaac badan ka muujiyeen arintan oo dhaawac ku ah dib u dhiska dowladnimada dalka oo soo socotay mudo 21 sano ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM