Taliyaha booliska Banaadir oo ka badbaadey isku day dil

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha qeybta booliska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole, ayaa Sabtida maanta ah wuxuu ka badbaadey isku-day la doonayey in lagu khaarijiyo kadib markii lagu qarxiyey caasimadda Muqdisho.

Hal illo wareed ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in weerarka uu ka dhacay degmadda Hodan gaar ahaan meel ku dhow isgoyska Banaadir ee magaala madaxda Soomaaliya.

Farxaan, oo horey u soo noqdey taliyaha ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad, ayaa haatan "caafimaad qaba," sida uu u sheegay qaar kamid ah saaxiibadii oo khadka telefoonka kula hadlay.

"Taliyaha waxaa la beegsaday isaga oo maraya nawaaxiga isbitaal Madiina ee ku dhow isgoyska Banaadir. Khasaaraha wali ma cadda, balse waxyeelo ay jirtaa - geeri iyo dhaawac," ayuu ku daray.

Illaa haatan ma cadda nooca qaraxa. Balse, wakaalada wararka qaranka ee SONNA ayaa warisay in loo adeegsadey gaari laga soo buuxiyey waxyaabo qaraxa kaasoo naftii-halige uu beegsaday kolanyadda taliyaha.

Ugu yaraan shan qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku nafwaayeen weerarka, halka ku dhowaad 10 kale ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen ismiidaamintan, sida ay xaqiijiyeen kooxaha gargaarka.

Maleyshiyada Al-Shabaab oo sheegatay qaraxii lala beegsadey taliyaha booliska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole, ayaa tibaaxdey in ay ku dishay afar askari oo kamid ahaa ilaaladiisa isla markaana uu isaga "si dirqi ah uga badbaadey".

Xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa xaqijiyey in naftii-halige uu fuliyey weerarka. Hase ahaatee, waxay ka gaabsadeen in ay shaaciyeen magaca is-qarxiyaha.

Qaroole oo horey uga mid ahaa maleyshiyada gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa taliyaha booliska gobolka Banaadir loo dalacsiiyey 12, April, 2021 markii Saadaq Joon uu ka hor-yimid muddo kororsiga Farmaajo.

Ciidamaddii uu horkacayey Qaroole ee Haramcad ayaa 19-kii Febraayo, 2021 waxay ku lug-yeesheen isku day la doonayey in lagu dilo musharaxiin horkaceysay banaanbax nabadeed oo lagu diidayay ku darsiga xiisada sababay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM