Taliye cusub oo loo magacaabay booliska gobolka Banaadir

Image
Mahdi Cumar Muumin ayaa wuxuu horey u soo noqdey madaxa hay'adda NISA ee Galmudug.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdi Xijaar ayaa Talaadada maanta ah wuxuu Mahdi Cumar Muumin wuxuu u magacaabay Taliyaha cusub ee Booliska Gobolka Banaadir.

Mahdi oo horey u soo noqdey madaxa NISA ee Galmudug ayaa bedelaya Farxaan Qarole oo ku dhintey qarax ay Al-Shabaab kula eegatay meel u dhow degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe bishii hore.

Kahor xilkan, wuxuu soo qabtey jagadda madaxa arrimaha bulshadda ee qeybta hay'adda sirdoonka Soomaaliya. Dadka yaqaana ayaa ku sifeeyay "sarkaal firfircoon oo daacad ah".

Fahfaahin horudhac ah ayaa muujineysay in weerarka lagu dilay Qaroole uu ahaa qarax miino oo la kacdey isaga oo lugaynaya Farxaan Qaroole oo horey u soo noqdey taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad.

Afhayeenka booliska Soomaaliya, Sadiiq Doodisho, ayaa hal saac kadib wuxuu xaqiijiyey geerida taliyihii bileyska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole oo lagu dilay qarax miino oo lagula eegtay afaafka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

"Argagixisada naf la caariga ahi, marnaba nagama weecindoonto hadafkeena ah xaqiijinta Amaanka Dalka iyo ciribtirka Argagaxisada," ayuu Doodisho ku yiri war-saxaafadeed kooban oo uu soo saarey loona diray xarumaha warbaahinta.

Sida laga soo xigtey saraakiil dhanka ammaanka oo codsadey in aan magacyadooda la adeegsan, falkan waxaa sidoo kale ku dhaawacmay askar ilaalo u ahayd marxuumka.

"Sidoo kale, wariye ka tirsan warbaahinta qaranka oo lagu magacaabo Axmed Socdaal ayaa ku nafwaayay falkan argagixiso," ayuu yiri sarkaalkan la hadlay warsidaha Garowe Online.

Sida ay baahiyeen baraha internet-ka ee taageera, maleyshiyada Al-Shabaab oo qaadatay mas'uuliyadda weerarka loo adeegsadey miinada ee lagu dilay taliyihii booliska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole, ayaa sheegtay in sidoo kale ay qaraxaas ku khaarijisay afar sarkaal kale. Balse ma aysan shaacin magacyadooda.

Magacaabida Muumin ayaa kusoo aadaysa xilli shalay uu gobolka Banaadir booqdey ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre kuna booriyey maamulka caasimadda in ay amniga iyo bilicda siiyaan mudnaanta koowaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM