Taliye Muqdisho ugu dhintay dhaawac kasoo gaarey qarax

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Allaha u naxariistee Korneyl Axmed Cabdi (Waaweyne), taliye ku-xigeenkii qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa xalay ku geeriyooday caasimada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen saraakiil.

Sida ay xaqiijiyeen saraaiil la hadashay warsidaha Garowe Online, marxuumka wuxuu u dhintay dhaawac ka soo gaaray ismiidaamintii Al-Shabaab la beegsadeen saldhigga degmada Waaberi ee Muqdisho.

"Waxaan tacsi u dirayaa qoyskiisii & bahda Booliska Soomaaliyeed," ayuu ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee mareegga Facebook.

Lix maalmood kahor ayay ahayd markii weerarkaas is-qarxinta ahaa uu dhacay, waxaana dusha saaratay maleyshiyada Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Taliyihii saldhiga booliska degmada Waaberi, Axmed Cabdullaahi Baashane, iyo Gaashaanle Cabdirashiid Maxamed Cagey, taliye ku xigeenkii qeybta Waliyow Cadde ee booliska Banaadir ayaa lagu dilay.

Qaraxa ayaa ka dhashay qof isa soo miidaamiyay oo xirnaa jaakadaha qarxa kaas oo aad ugu dhawaaday saraakiisha oo joogtey banaanka saldhiga degmada Waaberi abaaro 9:30 pm ee waqtiga maxaliga ah.

Lix qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa, sida ay boolisku sheegeen, oo aan kala caddeyn haddii ay baaritaano dheeraad ah ku sameyn doonan qaabka falku u dhacay iyo cidda fududeysay.

Qof goob jooge ah oo aan magaciisa la xigan karin sababo amni ayaa sheegay in Bashane uu ku dhintay isla goobta halka Cagey uu u dhintay dhaawicii soo gaadhay markii loo qaadey Isbitaalka.

Saddex saac ka hor qaraxa, Bashane wuxuu bartiisa Facebook ku soo qoray xuska maalinta hooyada. "Allah ha xafido oo caafimaadkeeda ha siiyo, Aamiin," ayaa lagu yiri fariinta qoraalka.

Bashane shaqada ayuu ku cusbaa. Waxaa laga wareejiyay saldhig kale oo boolis ah oo ku yaala magaalada Muqdisho wax kayar bil kahor, sida ay saraakiishu sheegeen. Wuxuu horey uga soo howlgalay Shibis iyo Cabdicasiis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM