Tirada rayidka Mareykanka "ku dilay" Soomaaliya 2020

Image

WASHINGTON, USA - Hay'adda Airwars ayaa waxay soo bandhigtay tirokoob ku saabsan tirada shacabka ee ku dhintay duqeymaha Mareykanka aduunka ka fuliyey sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2020-kii.

Sida ku xusan warbixinta, 102 qof oo rayid ah ayaa ku geeriyoodey weeraro dhanka cirka ah oo Washington ka fulisay guud ahaan aduunka, waxaana ay ka badan shan jeer tirada Mareykanka uu qirtey.

Waaxda difaaca Mareykanka ayaa warisay in kaliya 23 rayid ah ay ku nafwaayeen howlgaladeeda dhanka hawada ee ay ka fulisay wadamada ay colaaduhu ka jiraan kana howlgalaan ciidamadeeda.

Si gaar ah Soomaaliya oo askarta Ameerikaanka ay ka hayaameen horaantii sanadkan 2021 ayay wasaaraddu tibaaxdey in kaliya hal qof oo shacab ah ay ku dhinteen duqeymihii ay geysteen sanadkii 2020.

Hase ahaatee, tirokoobka hay'addan ayaa muujinaya in geeridu ay gaareyso 7, waxaana ka hooseeya wadamadda Suuriya iyo Ciraaq - oo saxaafaddu soo warisay tiro dhimasho rayid oo gaareysa lix ruux.

Hina Shamsi oo ka tirsan Ururka Xuquuqda Rayidka ee Mareykanka (ACLU) ayaa tiri "Waa cadahay in baaritaanada Waaxda Difaaca iyo qirashada waxyeelada rayidka ay tahay mid aad u xun oo aan ku filneyn".

Shamsi, oo madax ka ah Mashruuca Amniga Qaranka ee ACLU ayaa ku dartey: "Waa wax lala yaabo in sanadka 2020, Waaxda Difaaca aysan bixin ama wax lacag ah oo lagu badalay wax yeelin siinta dadka rayidka ah iyo qoysaskooda".

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa horey u balanqaadey in ay magdhow siinayaan qoysaska la xaqiijiyo in xubno kamid ah ay ku nafwaayeen duqeymaha ay ka geysteen dalal Soomaaliya ku jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM