Tirinta codadka wareegga 1aad ee doorashadda Galmudug oo socota

Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ayaa maanta Dhuusamareeb ku dooranaya Madaxweyne cusub, iyadoo xilka ay u tartamayaan 4 musharax oo kaliya.

Doorashadda oo ka dhacaysa hoolka Shiirkole, ayaa waxaa la filayaa inuu kusoo baxo musharaxa dowladda Federaalka ay wadato ee Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-Qoor], waxaana cod bixinta ka qeybqaadanaya 89 Xildhibaan.

Musharixiin dhowr ah ayaa isaga haray tartanka, kuwaasoo sheegay in dowladda Federaalka ay afduubtay hanaankii doorashadda, islamarkaana ay taageertay mid kamida musharixiinta xilka Madaxweynaha Galmudug.

Waxaa hadda lasoo gaba-gabeeyay wareegga 1aad ee doorashadda, waxaana la filayaa inuu gudiga dooraashadda Galmudug uu ku dhawaaqo natiijadda codeynta.

Madaxweynaha cusub ayaa hogaamin doona Galmudug 4 sano, waxaana horyaallo caqabado badan, oo ay kamid yihiin mideynta maamulkan mudada dheer kala qeybsanaa, xalinta khilaafyada siyaasadeed iyo amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya kadib markii Wasiir loo diiday gelitaanka Kenya

Dhacdadan ayaa timid wax ka yar bil kaddib markii sidoo kale la sheegay in Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 01:22PM

Saraakiil Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh oo wajahaya xayiraado safar - XOG

Waddamada reer Galbeedka ayaa bilihii u dambeeyay xoogga saaraya doorka caasimadaha Afrika ee deriska la ah Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-07-2026

  • 12:23PM