Todobo jir Muqdisho lagu Faro-Xumeeyay

Image

Qoyska Wiil yar oo Arday ka ahaa iskuul ku yaala xaafada Aweyska ee degmada Xamar oo la hadlay telefishinka Dalsan ayaa sheegay in wiilkooda la faro-xumeeyay.

Waardiyahii iskuulka ayay ku eedeeyeen in uu wiilkooda Faro-Xumeeyay isla markaana iyaga oo ku eedeeyay waardiyayaasha kale ee iskuulka in ay fakiyeen.

''Maamulaha iskuulka ayaa gacantiisa kaga dhaqay dhiiga shaatiga wiilka yar gabar walaashiis ahna waa ay u diideen taleefan ay naga soo wacdo''.

Wiilka ayaa qoysku warbaahinta u sheegeen '' in mid kamid ah waardiyayaasha uu Musqusha/Suuliga ugu galay isla markaana uu Far ka galiyay dabada iyada oo uu Dhiig ka yimid.

Isbitaalka Madiina ayay geeyeen Canuga sida ay waalidku ku warameen iyaga oo Dhakhaatiirtu ay sameeyeen xaqiijinta dhacdada.

Maamulayaasha iyo hawla wadeenada iskuulada gudaha Somalia ayaan intooda badan u tababarnayn sida loola tacaaliyo dhacdooyinka la xiriira ku tacadiga awooda iyo falalka jinsiga ah kuwaasi oo in badan la isku dayo in la qariyo ama si hoose loo dhameeyo.

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM