Turkiga oo ka hadlay soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya

Image

ANKARA, Turkey – Dowladda Turkiga ayaa soo dhaweysay soo celinta cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, sida ku cad war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda waddankaas.

Xukuumadda Ankara ayaa sheegtay in talaabadan ay tahay mid u adeegeysa dedaaladda xal u helida nabadda, xasiloonidda iyo amaanka Geeska Afrika.

"Waxaan soo dhoweyneynaa horumarada la xiriira dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxaan bogaadinaynaa dadaalka dowladda Qatar ay ku bixisay howshan," ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in Turkiga uu sii wadayo taageerida dedaaladda lagu xalinayo colaadda ka oogan gobolka Geeska Afrika iyaddoo loo marayo wadaxaajoodyo iyo wada-ogol ku qotoma hanaan la isla ogol-yahay.

Kadib muddo shan bilood ah oo uu hakad ku jiray, Soomaaliya ayaa Khamiista todobaadkii hore waxay dib u bilowday xiriirka diblumaasi ee Kenya.

Dowladda Carbeed ee Qadar ayaa kaalin dhexdhexaad ah ka cayaartay qadiyaddan oo xudun u ahayd sheegashooyin faragelinta arrimaha gudaha Soomaaliya.

Xiisada diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa saameysay dhanka ammaanka, waxbarashadda iyo isu-socodka ganacsiga. Labada dal waxaa la filayaa in ay sii dhameystiraan arrimaha uga harsan soo celinta xiriirka diblumaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM