Turkiga oo saanad ciidan oo balaaran ugu deeqay ciidanka Soomaaliya

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Turkiga ayaa waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay ciidamadda Soomaaliya ugu deeqday saanad ciidan oo aad u balaaran.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed, deeqda ayaa waxay gaareysaa 60-kun oo darees ciidanka dagaalka ah oo ay wehliyaan kabo buud ah.

Si lamid ah, waxaa ku jira 3,862 oo isugu jira qalab iyo dareeska ay xirtaan Ciidamadda Badda iyo kuwa Ilaaladda Xeebaha.

Munaasabadda saxiixa ayaa Arbacadda maanta ah waxay ka qabsoontay xaradda Turkiga ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasiirka Difaaca, Xasan Maxamed [Amar Dambe], taliyaha milatariga, Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil ka socotay Turkiga ayaa goobjoog ka ahaa xafladda.

Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay wuxuu maalgeshi balaaran ku sameynayaan qeybo kala duwan oo Soomaaliya ah sida ciidanka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Xeradda ugu weyn oo uu ku yeesho meel ka baxsan dalkiisa ayuu ka furay Muqdisho, halkaas oo uu kusoo saaro cutubyo ka qeyb qaadanaya gulufka balaaran ee ka dhanka ah maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Sidda deeq-bixiyeyaasha caalamka, lacag badan ayuu ku kabaa Miisaaniyadda dowladda, balse wuxuu kaga duwan yahay in uu xukuumadda si toos ah ugu gacan geliyo maadaama dalalka kale ay hay'addo soo mariyaan.

Soomaaliya ayaa taageero waxay u muujisay howlgalka Turkigu kawado waddanka Suuriya, kaas oo uu ku baac-sanayo falaagada YPG iyo PKK, go'aankaas oo ay xukuumadda Ankara ay uga mahadcelisay dhigeeda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xog ku saabsan Kulankii Xasan Sheekh iyo Mucaaradka ku yeesheen Villa Somalia

Iyadoo waqtigu si xawli ah ugu socdo doorashada 2026, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya waxay wajahayaan caqabado culus.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:32AM

Janan: Eedeysanaha Xadgudubyada Xuquuqda Aadanaha Oo DF U Magacowday Madaxa NISA ee Gedo

Dowladda Federaalka weli kama aysan jawaabin cabashooyinka ka dhashay magacaabista Abdirashiid Janan.

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 06:55AM