Turkiga oo saanad ciidan oo balaaran ugu deeqay ciidanka Soomaaliya

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Turkiga ayaa waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay ciidamadda Soomaaliya ugu deeqday saanad ciidan oo aad u balaaran.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed, deeqda ayaa waxay gaareysaa 60-kun oo darees ciidanka dagaalka ah oo ay wehliyaan kabo buud ah.

Si lamid ah, waxaa ku jira 3,862 oo isugu jira qalab iyo dareeska ay xirtaan Ciidamadda Badda iyo kuwa Ilaaladda Xeebaha.

Munaasabadda saxiixa ayaa Arbacadda maanta ah waxay ka qabsoontay xaradda Turkiga ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasiirka Difaaca, Xasan Maxamed [Amar Dambe], taliyaha milatariga, Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil ka socotay Turkiga ayaa goobjoog ka ahaa xafladda.

Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay wuxuu maalgeshi balaaran ku sameynayaan qeybo kala duwan oo Soomaaliya ah sida ciidanka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Xeradda ugu weyn oo uu ku yeesho meel ka baxsan dalkiisa ayuu ka furay Muqdisho, halkaas oo uu kusoo saaro cutubyo ka qeyb qaadanaya gulufka balaaran ee ka dhanka ah maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Sidda deeq-bixiyeyaasha caalamka, lacag badan ayuu ku kabaa Miisaaniyadda dowladda, balse wuxuu kaga duwan yahay in uu xukuumadda si toos ah ugu gacan geliyo maadaama dalalka kale ay hay'addo soo mariyaan.

Soomaaliya ayaa taageero waxay u muujisay howlgalka Turkigu kawado waddanka Suuriya, kaas oo uu ku baac-sanayo falaagada YPG iyo PKK, go'aankaas oo ay xukuumadda Ankara ay uga mahadcelisay dhigeeda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM