UK oo ka digtay cawaaqib dib-u-dhaca wadahadalka doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ingiriiska ayaa "si aad ah uga walaacsan fashil ku yimaadda in si deg-deg ah loogu dhaqaaqo doorashada Soomaaliya ay horseedi karto amni daro weyn oo ka dhacda Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah dalka".

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa shaaca ka dhigtay in xalka kaliya uu yahay dhaqan-gelinta heshiiska 17-kii September.

"Si loo ilaaliyo nabadgelyada, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya, waxaa muhiim ah in sida ugu dhakhsaha badan loo qabto doorashooyin ku dhisan is-afgarad," ayuu lagu yiri qoraalka.

Wuxuu ku daray: "Boqortooyada Midowday ee UK waxay diiwaan-gashatay go’aanka Madaxweyne Farmaajo ee ah inuu dib ugula laabto wadahadalka madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka isagoo cuskanaya heshiiskoodii 17-kii Sebtember, kaas oo ah wadada kaliya ee ay ansixiyeen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka".

"Waxaan ku bogaadineynaa ra'iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka sidii ay u diideen muddo kordhinta. Waxaan hadda ugu yeereynaa Madaxweynaha iyo madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka inay si deg deg ah u yeeshaan wadahadal shuruud la’aan. Waa inay yimaaddaan iyagoo diyaarsan si ay u sameeyaan tanaasul lagama maarmaan ah oo ay si daacadnimo leh ugu gorgortamaan," ayay wasaaraddu xustay.

Bayaanka ayaa la raaciyey: Waxaan si aad ah uga walaacsanahay in ku guuldarraysiga in dhaqso loogu dhaqaaqo doorashooyinka ay horseedi karto amni darro weyn, Muqdisho iyo meelo kale, ayna la timaado cawaaqib xumo bani'aadamnimo".

"Rabshadaha ka socda Muqdisho ayaa horay u barakiciyay tobanaan kun. Abaartu waxay sii kordhineysaa qatarta nolosha dadka rayidka ah iyo nolosha," ayaa hoosta looga xariiqay qoraalka.

Warka ayaa lagu soo xiray: "Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan ciidamada amaanka caasimada inay ka waantoobaan rabshadaha isla markaana ay ilaaliyaan xasiloonida. Waxaa lama huraan ah in ciidamada amniga ay xooga saaraan dadaalkooda ku aadan la dagaalanka cadowga guud ee Al Shabaab si loo hubiyo inaysan ka faa'ideysan hubanti la’aanta siyaasadeed".

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo ayaa la filayaa in uu Sabtida hortago Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya halkaasoo uu ka jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo xaalada waddanka ku sugan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM