UN-ka oo baaq kasoo saarey hadalkii guddiga doorashada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku leeyahay Muqdisho ayaa kaga mahadceliyey Guddiga doorashooyinka madaxa-banaan qodobada ay soo jeediyeen ee la xiriira coddeynta sanadka 2020-21.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee UNSOM ayaa talooyinkaas ku sifeeyay "kuwa farsamo oo u baahan in heshiis laga gaaro".

"UNSOM waxay kaga mahadcelineysaa gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya, Xaliima Ismaaciil Ibraahim, soo jeedinteeda xulashooyinka farsamo si loo gaaro in Soomaalida coddeeyaan horaanta Maaj, 2020," ayaa la yiri.

Bayaanka kooban oo luuqada English-ka lagu faafiyey ayaa lagu taageeray shirka la filayo in ay dhowaan Muqdisho ku yeeshaan dowlada iyo maamulada.

"Hadda guddiga gudoomiyaha doorashooyinka Soomaaliya, Xaliima Ismaaciil Ibraahim, waxay soo bandhigtay xulashooyin doorasho, UNSOM waxay dalbaneysaa wadatashi ay ka yeeshaan saamileyda siyaasada Soomaaliya si ay is-afgarad uga gaaraan horeyna loogu sii socdo – kulanka qorsheysan ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowladaha xubinta ka ah waa talaabo u wanaagsan waxa xiga," ayaa lagu soo koobay war-saxaafadeedka kasoo baxay UNSOM.

Shalay ayay ahayd markii guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Soomaaliya uu shaaciyey in cod-bixinta qorshuhu ahaa in ay waqtigeeda ku qabsoonto aysan dhici karin, waxayna soo jeediyeen laba nooc doorasho iyo waqtiga.

Nooca koowaad oo u baahan waqti badan iyo dhaqaale ayaa ah diiwaan-gelinta casriga ah waxayna xuseen in ay qaban karaan bisha August, 2021.

Qaabka labaad oo ah diiwaan-gelinta gacanta isla markaana dhaqaalaheeda yar yahay ayay tibaaxeen in ay hirgelin karaan bisha Maaj ee sanadka dambe.

Xilli hadalka guddiga uu ka muuqdo waqti ku darsi loo sameeyo madaxda fadhisa Villa Soomaaliya, Dowlad goboleedyadda, siyaasiyiinta iyo Beesha Caalamka ayaa horey meesha uga saarey dib u dhac iyo muddo kororsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM