Doorashada dalka oo la shaaciyey in aysan xilligeeda ku dhici karin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaaciyey in cod-bixinta soo aadan aysan waqtigeeda ku dhici karin. Coddeynta waxaa lagu wadday in ay dhacdo November.

Doorashadaan waxaa qorshuhu ahaa in ay noqoto qof iyo cod ah, balse waxaa muuqatay in dowladda madaxweyne Farmaajo ay ku fashilantay in ay muddo xileedkeeda ku qabato arrintaas.

Xaliima Ismaaciil, gudoomiyaha guddiga, ayaa Sabtida ah maanta ah waxay u soo bandhigtay Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah laba nooc doorasho iyo waqtiga ay ku qaban karaan.

Nooca koowaad oo ah mid ku saleysan diiwaan-gelinta casriga ah kuna saabsan qof iyo cod ah ayay daboolka ka qaadey in ay hirgelin karaan bisha August ee sanadka soo aadan 2021-ka.

Sidda laga soo xigtay Xaliima Yarey, noocaan doorasho ayaa u baahan miisaaniyad ama dhaqaale badan isla markaana muhiim ay tahay in loo helo sidda ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan.

Sidoo kale, nooca labaad ayay ku sheegtay diiwaan-gelin gacanta ah isla markaana waxay carabka ku adkeysay in ay qaban karaan bisha Maaj ee isla sanadka nagu soo fool leh ee 2021-ka.

Diiwaan-gelintaan ayaa ka dhaceysa goobta coddeynta, waxaana uu ku qabsoomi karaan muddo sagaal bilood ah oo ka bilaabaneysa 20-ka bisha soo aadan ee July sanadkan aynu ku jirno.

Sikastaba, hadalka guddiga doorashooyinka ayaa imaanaya xilli qaar kamid ah maamulada iyo xisbiyadda mucaaradka ay horey u sheegeen in aysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod kana digeen muddo kororsi.

Hoos ka akhriso khudbadda Xaliima Yarey

No photo description available.

Image may contain: text

Image may contain: text

Image may contain: text

Image may contain: text

Image may contain: text

Image may contain: text

Image may contain: text

Image may contain: text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM