Villa Soomaaliya oo laga cabsi qabo in ay weerarto Saadaq Joon
MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir, Saadaq Joon, ayaa lagu waramay in uu ka guuray gurigii ka deganaa nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Sidda ay wararku sheegayaan, Saadaq Joon ayaa u wareegay xaafadda ay bulshadda uu kasoo jeedo ku badan tahay ee Shiirkoole kana tirsan degmadda Hodan ee gobolka Banaadir.
"Cawa waxaan si rasmi ah ugu guuray xarunta xero Guulwade halkaas oo aan si rasmi ah uga howl gali doono maalmaha soo socdo," ayuu ku qoray bartiisa gaarka ah ee Facebook.
Wuxuu intaas ku daray: "Sida aan horay idin kugu sheegay waxaan u dhaartay dalkayga iyo dadkayga inaan si daacadnimo iyo hufnaan ku jirto ugu adeegi doono walina mawqifkayga isla sidii yahay maantana dalku uu taagan yahay xaalad hubanti la'aan ah iyo jah wareer siyaasadeed".
Talaabadan waxay salka ku haysaa cabsi ku aadan in Villa Soomaaliya ay weerari karto taasoo haddii ay dhacdo qalalaase ka qarxin karta caasimadda.
Dhinaca kale, Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Faemaajo uu maanta la kulmay taliyaha cusub ee gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole. Is-aragan wuxuu kusoo aadayaa xilli heerkulka siyaasadeed ee caasimada Muqdiaho uu sareeyo.
Kahor magacaabidii dhowaan, Qaroole wuxuu ahaa taliyaha booliska gaarka ah ee Haramcad iyo sarkaal ka tirsan qeybta mukhaabaraadka ee maleyshiyada Al-Shabaab.
Geesta kale, Ciidamo ka tirsan booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa lagu waramay in ay la wareegeen isgoysyada Baar-Ubax iyo Black Sea ee caasimadda Muqdisho waxyar kadib markii taliyihii hore ee bileyska gobolka Banaadir, Saadaq Joon, uu gaarey xaafada Shiirkoole degmada Hodan ee caasimadda Muqdisho.
Muqdisho ayaa u muuqaneysa mid galeysa xaalad ciidan taasoo sare u qaadeysa cabsida laga qabo in ay gacan ka hadal isku bedesho khilaafka siyaasadeed ee hataan ka taagan doorashooyinka.
GAROWE ONLINE