Villa Soomaaliya oo 3 diyaarado ka dejisay Garbahaarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saddex diyaaradood oo ay kireysay Villa Soomaaliya ayaa shalay waxay ka degtay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, sida uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Diyaaradahaas ayaa, sida ay xogaha lagu kalsoon yahay muujinayaan, waxaa saarnaa odayaasha dhaqanka ee maamulka Farmaajo dejiyey qaar kamid ah hoteelada magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Saddex illo wareedyo kala duwan oo si dhow ula socda safarkan ayaa u dusiyey GO in odayaasha dhaqanka lala kulan-siiyey hogaanka dhaqanka iyadda oo ay wehliyaan saraakiil taabacsan Villa Soomaaliya.

"Madaxweyne Farmaajo waxaa ka go'an in uu si buuxda gacanta ugu dhigo 16-ka kursi ee yaala gobolka Gedo uuna siiyo shaqsiyaad uu isaga og-yahay in ay dooranayaan," ayuu yiri mid kamid ah illaha.

Wuxuu ku daray: "Saddexdan duulimaad waxaa ka horeeyay duulimaad kale oo uu saarnaa maamulaha qarsoon ee Farmaajo ee gobolka Gedo, Kulane, kaasoo dhaqdhaqaaqyo muddooyinkii dambe wadday".

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli Jubaland ay Khamiistii u diidey lataliyaha doorashooyinka Farmaajo in uu ka dego Kismaayo kuna eedeysay "in uu magaalada u waday hub sharci darro ah iyo khalkhal gelin".

Cali Cabdi Raage, oo musharax u ah kursi degaan doorashadiisu tahay Kismaayo, ayaa cambaareeyay falkaas waxaana uu ku eedeeyay hogaanka Jubaland in ay kasoo horjeedaan musharaxnimadiisa.

Sidoo kale, talaabadda odayaasha dhaqanka loogu daabulay magaalada Garbahaarey ayaa imaaneysa xilli ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble uu Kismaayo joogo kuna sii jeedo maanta xarunta gobolka Gedo.

Madaxda maamulka Jubaland ayaan raali ka ahayn safarkaas, sida uu fahansan yahay Garowe Online. Socdaalkan wuxuu wiiqi karaa dedaaladii xalka loogu goobayey is-mari-waaga iyo qabsoomida coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM