Waa cusub miyaa u baryay gabdhaha Puntland?

Image

GAROWE, Puntland – Tan iyo markii golaha xukuumada Puntland ay meelmariyeen 10-kii June, 2021-kii, hadalheynta ugu badan ee baraha bulshadda waxay ahayd sharcigaas mamnuucaya Gudniinka Gabdhaha.

Cawil Sheekh Xaamud, wasiirka dastuurka, cadaaladda iyo arrimaha Diinta dowlada Puntland oo difaacay sharcigaas, ayaa hoosta ka xariiqay in looga gol-leeyahay ka hortagida gudniinka fircooniga ah.

Mr Xaamud oo tibaaxay in sharcigaan ay gudbiyeen markii ay dhinac walba kasoo xaqiijiyeen, ayaa carabka ku adkeeyay "wixii hadda ka dambeeya gabdhaha Puntland loo daneynayo siday ku dhasheen".

Inkasta oo dowlada federaalka ay ay mamnuucdey Gudniinka Fircooga 2012-kii, haddana waxaa la rumeysan in si qarsoodiya uga jiro qeybo kamid ah dalka.

Falcelinta ka dhalatay Xeerka

Iyadda oo dadka ka falceliyey xeerka ay isugu jiraan qeybaha kala duwan ee bulshadda, haddana waxaa ugu cod dheeraa culimo kuwaas oo ku sifeeyay mid ka hor-imaanaya shareecadda Islaamka.

Hase ahaatee, wasiir Cawil oo si deg-deg ah uga jawaabay qaylo-dhaanta culimadda ayaa hoosta ka xariiqay in aysan hayn " addilo cadcad” isaga oo ku nuux-nuux-saday in xeerka uu dhaqan-galayo.

"Nimanka hadlay maaha rag aan ku tuhmayo aqoon diimeed, annaga iyo culimo badan arrinkan hore baan u baadhnay, waana ka hadlaynaa dhawaan, Gudniinka Gabdhaha waa la joojiyey guud ahaantiisa, ciddii shaki ka qabto annagaa u hayno jawaabo diini ah iyo addilo cadcad oo oggolaanaya in la joonin karo, dhibta iyo jarjarista gabdheheenna maaha wax la eegan karo," ayuu ka dhawaajiyey wasiirka.

Qaar kamid ah gabdhaha ku dhaqan Puntland oo dareenkooda ku muujiyey baraha bulshadda ayaa bogaadiyey xeerka, ayaga oo rumeysan "in uu waa cusub u baryey".

Gudniinka gabdhaha iyo Diinta

Diinta Islaamka waa mid ah garbaha ay cuskanayaan dadka dowladda Puntland ku dhaleeceynaya mamnuucida Gudniinka. Hase ahaatee, waxay u muuqdaan kuwa dhaliishoodu aan sal iyo baar toona lahayn.

Maxamed Cumar Dirir, mid kamid ah wadaada aadka loo ixtiraamo ee dhulka Soomaalida oo qaddiyadan uga hadlay kalmad uu jeediyey, ayaa xusay in Gudniinka uu yahay sunno lagana maarmi karo.

"Mas'alada (dhacdada) marka laga hadlayo waxaa lasoo qaataa dhamaan fekradaha culumada. Marka Cawnul Macbuudka wuxuu leeyahay in culumada ay isla waafaqeen in aanu jirin daliil sugan oo kusoo arooray Gudniinka Dumarka. Sidaas daraadeed, aanan waxba la taabaneyn," ayuu Sheekhu ku yiri mid kamid ah hadaljeedintiisa uu jeediyey.

Iyadda oo ay muuqaneyso in culimada qudheeda ay si weyn ku kala qeybsan tahay qaddiyadan, haddana dowladda waa halka ugu dambeysa sharaxaada laga sugayo wallow ay horey ugu adkeystay in ay ka laabaneyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM