Wafdi ka socda dowlada Federaalka Somalia oo gaarey Kismayo

Image
Image
Image

Kismayo ,Somalia August 25, 2014 (Garowe Online)-Wafdi ka kooban Wasiiro iyo xubno ka tirsan urur Goboleedka IGAD ayaa galabnimada Isniinta 25 August,2014 gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubbaland.

Cabdulahi Goodax Barre Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada Federaalka Somalia ayaa hogaaminayay wafdigaan waxana socdaalka ku wehliyey Wasiirka Maaliyada dowalada Federaalka Soomaliya Xuseen Cabdi Xalane. Wafdiga waxaa sidoo kale kamid ahaa laba xubnood oo ka socda urur goboleedka IGAD.

Wafdiga waxaa si diiran ugu soo dhaweyay Kismaayo Wasiirro ka tirsan maamulka Jubaland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Maxamed Warsame Darwiish, Macallin Maxamed Wasiirka arrimaha Bulshada iyo Afhayeenka maamulka Cabdinaasir Seeraar Maax.

Afhayeenka maamulka Jubaland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wafdiga caawa ku hoyanayaan madaxtooyada maamulka Jubbaland.

Wadahadal diirada saaraya qodabada ka qabsoomey iyo kuwa dhiman heshiiska Addis Ababa ee u dhexeeyey maamulka Jubaland iyo dowlada Fedraalka ayaa Madaxtooyada ka furmaya maalinta berri ah.

Wasidaha Garowe Online ka soco wararka kasoo kordha kulankaas.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Golaha Mustaqbalka oo ku kulmay Muqdisho xilli xaraaradda doorashooyinku kordheyso

Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegayaan, kulankii ka dhacay Hotel Airport Golaha Mustaqbalka…

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 09:05PM

Turkiga oo Taangiyo Dagaal Keenay Soomaaliya

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegaya in taangiyadan la geyn doono aagga degmada Warshiikh.

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 02:32PM