Warbixinta UN-ka oo weji cusub u yeeshay kiiska askarta Eritrea

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudaaharaad hal ku dhigiisu yahay "Ilmihii Eritrea loo qaadey aaway?" iyo "Inta dhimatay maahee inta kale hala soo badbaadsho" ayaa ka bilowday caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Isu-soo-baxaan wuxuu imaanayaa laba maalmood kadib markii Qaramada Midoobay ay xaqiijisay in askar Soomaali ah ka dagaalameen gobolka waqoyga Itoobiya ku yaala ee lagu magacaabo Tigray.

Banaanbaxa Khamiista maanta ah ka bilowday magaala madaxda Soomaaliya waxaa ka qeybgalay waalidiinta wilasha iyo gabdhaha tababarka loogu qaadey Eritrea kadibna la sheegay in laga dagaalgeliyey ismaamulkaas.

Qaar kamid ah waalidiinta oo saxaafadda u waramay ayaa cod dheer waxay ku dalbadeen in caruurtooda dib loosoo celiyo iyaga oo si gaar ah fariinta qaylo-dhaanta ugu diray madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo.

Sida laga soo xigtay mid kamida waalidiinta, dibadbaxa waxay wadayaan todobaad "xataa haddii loo baahdo waxaan seexan doonaa meesha aan ku banaanbaxeyno haddii waqti loo baahdana waan kordhineynaa".

Garowe Online ayaa fahansan in abaabulka banaanbaxa uu soo bilowday bartamihii asbuucaan lana sii dardargeliyey markii ay soo baxdey warbixinta Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa oo dib kusii shiday kiiskan.

Musharaxiin madaxwayne oo ay ku jiraan Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyin kale ayaa cod dheer uga hadlay kiiskan kadib warbixinta UN-ka iyaga oo soo jeediyey baaris madax-banaan.

Kiiska askarta Soomaaliyeed ee laga dagaalka geliyey Tigray markii lagu qaldey in lagu soo tababarayo Qadar ayaa u muuqda mid si weyn u hareyn doona mawduucyada ololaha doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM