Wariye wareystay ganacsade taageersan Al-Shabaab oo la xiray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wariye C/llaahi Kulmiye Caddow ayaa la xiray, saddex maalmood kadib markii uu wareystay ganacsade Abuukar Cumar Cadaan oo si cad u shaaciyay inuu taageersan yahay fekerka xagjirka Kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada NISA ayaa xalay saqdii dhexe gurigiisa kala soo baxay wariyaha, iyagoo ku xiran goob aan la ogeyn, laakiin kamid ah magaaladda Muqdisho, waxaana xariga suxufiga cambaareeyay kooxaha u dhaq-dhaqaaqa xoriyadda hadalka iyo warbaahinta.

Abuukar Cumar Cadaan ayaa sheegay inuu taageersan yahay dagaalka Al-Shabaab kula jirto Ciidamada DF iyo xulufadooda AMISOM. Ganacsadahan ayaa lagu xasuustaa inuu dhaqaale badan ku taageeray Midowgii Maxkamadaha Islaamiga 2006.

Wariye C/llaahi Kulmiye ayaa wareysigan u qaadey Radio Kulmiye, oo xaruntiisu tahay Muqdisho, mana jirto wax tallaabo ah oo maamulka Idaacadda laga qaadey, maadaama la ogyahay inay bixiyeen ogolaanshaha wareysiga, qeybna ka qaateen diyaarintiisa.

Qoyska ayaa ka cabsiga qaba in suxufiga la dilo ama ugu yaraan jirdil lagu sameeyo, waxayna ka dalbadeen madaxda DF inay si dhaqsi ah dib ugu soo celiso xoriyadiisa, maadaama lagu haysto kaliya shaqadiisa wariye-nimo.

NISA ayaa horey loogu eedeeyay xarig iyo handadaad joogto ah inay ku hayso wariyeyaasha ka howlgala warbaahinta madaxa-banaan ee Muqdisho, iyadoo xaruumaha warbaahineed ay ku sameyso feef-reeb [Censorship], taasoo lidi ku ah shurciga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM