NISA oo xabsiga dhigtay Ganacsade taageeray Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya [NISA] ayaa maanta xabsiga dhigtay ganacsade Abuukar Cumar Cadaan, kadib markii uu bixiyay wareysi uu taageero ugu muujiyay Kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada NISA ayaa saakay gurigiisa ku weeraray ganacsadan caanka ah, kadibna soo xiray, waxaana la sheegay in amarka xarigiisa uu bixiyay Fahad Yaasiin, oo madax u ah hay’adda Nabad Sugida.

Wareysiga ayuu ninkan ku sheegay in uu taageersan yahay mabd’a Kooxda Al-Shabaab iyo dagaalka ay kula jirto Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM, oo uu ku tilmaamay “gaallo” Wadanka kusoo duushay.

NISA ayaan wax war ah kasoo saarin sababta ay u xirtay Abuukar Cumar Cadaan, balse waxay dadka sida dhaw ula socda kiiskan, u sheegeen Garowe Online in Fahad Yaasiin uu dhibsadey wareysiga.

Abuukar Cadaan ayaa ah maal-geliyihii Midowgii Maxkamadaha Islaamiga, oo Al-Shabaab ka faracantay, kaasoo la dagaalamay Ciidamada Itoobiya 2006-2007, waxaana xarigiisa uu dhaliyay shaki aad u badan.

Al-Shabaab ayaa lacag badan ka hesha ganacsatada Muqdisho kuwooda ugu waawayn, iyadoo dhaqaalahaas u adeegsato qaraxyada ay shacabka ku xasuuqdo iyo dilalka shaqsiyaadka muhiimka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM