Warsame: Farmaajo way ka kala carareen kuwii ugu dhowaa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo ayaa sii luminaya taageerada shaqsiyaadkii isaga aadka ugu dhowaa, sida uu shaaca ka dhigay musharaxa madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Warsame oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa rumeysan in Farmaajo uu sidoo kale qarka u saaran yahay in lagu darro liis cunaqabteyn.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa ku waaniyey Farmaajo in uu qaato go’aan geesinimo leh kaasoo uu ku wajahayo xaalada waddanka wajahayo.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in haddii Farmaajo uu iska indhatiro xaqiiqooyinka horyaala uusan dhaxal wanaagsan ka tageyn.

"Farmaajo haddii uu xaqiiqada wajaho oo garto in ciidan dastuurka daafacaya oo muddo kororsiga diiddan ay Villada kaabiga ku hayaan, Raysalwasaaraha, shanta dowlad gobolleed, Aqalka Sare, Golaha Shacbka intiisa badan, midowga murashaxiinta, bulshada rayidka, iyo Beesha Caalamka ay muddo kororsigiisii ku diideen, uu waayey taageeradii shacabka, gaar ahaan reer Muqdisho, oo ay habeen dhaaf ugu dibad-baxayaan, warbaahintii caalamka ugu waawayneed ay subax walba sawir xun ka bixineyso, hay’adihii xuquuqul insaankana baaritaan ku bilaabeen, liis cunaqabatayn ahna qarka u saaran yahay, dhaqaalihiina sagxadda yahay, kuwii ugu dhowaa ka kala carareen, intii ku hartayna ku jooji halkaa leeyihiin, wuxuu qaadanayaa go’aan geesinimo leh oo uu shacabka ku macsalaameeyo, haddiise uu xaqiiqada iska indha tiro, wuxuu noqonayaa qarka iska tuur aayatiin qaldan doortay," ayuu Warsame kaga dhawaajiyey qoraalkiisa aadka u kooban.

Farmaajo ayaa xafiiska wuxuu joogaa ku dhowaad saddex bilood iyaddoo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021 isla markaan uusan jirin ifafaalo muujinaya in wadaxaajood laga galayo xalka khilaafka taagan.

Doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa qorshuhu ahaa in ay qabsoomaan dhamaadka 2020 iyo horaanta 2021. Hasa ahaatee, fashilka wadahadaladii hore waxay dhabaha u xaareen dib-u-dhac aad u ballaaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM