Warsame oo digniin u diray ra'iisul wasaare Rooble

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay Facebook ayaa wuxuu digniin u diray ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo caawa marti ka Madasha Dooda ee Garowe Online ku martigelinayo ciwaankiisa Twitter-ka ayaa sheegay in madmadow uu hareeyay turxaabinta guddiyada doorashada.

Sida laga soo xigtay Warsame, geedi-socodka loo kala saarayo guddiyadda waxaa mid ku saleysan "nin jaclaysi" isla markaana ay taasi wiiqi ama burburin karto kalsoonida lagu qabo Rooble.

"Waxaa Guddiga doorashada laga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow oo lagu eedeyey in ay Farmaajo ka soo horjeedday, kana tirsanayd taageerayaasha mucaaradka," ayuu Warsame yiri.

Siyaasiga ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: "Dhinaca kale, ku dhowaad 20 ruux oo taageerayaasha Farmaajo ah iyo toboneeyo dharcad ah ayaa weli Guddiga ku jira".

Wasiirkii hore ee qorsheynta ayaa kusoo xiray hadalkiisa: "Haddii uu sidan ku soo baxo liiska guddiga, waxay tani mugdi gelinaysaa hufnaanta Guddiga iyo dhexdhexaadnimada Raysalwasaare Rooble".

Dhawaqa Warsame ayaa wuxuu kusoo hagaagayaa xilli uu waqtiga loo qabtey in lagu kala shaandheeyo guddiyadda uu dhamaadey isla markaana su'aallo badan ku geedaaman yihiin dhaqan-gelinta heshiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM