Warsame: Wali guddiyada waxaa ku jira dharcadka NISA

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ma jiro farqi u dhaxeeya hanaanka loo magacaabay iyo habka loo turxaanbixinayo guddiyada lagu muransan yahay ee doorashooyinka Soomaaliya, sida uu sheegay musharax madaxwayne.

Cabdjraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Axada maanta ah qoraal soo saarey ayaa su'aal ka keenay hanaanka loo maray kala shaandheynta xubnaha guddiyada doorashooyinka Soomaaliya ee lagu muransan yahay.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraalkiisa ku daabacay bartiisa shaqsiga ah ee Facebook ayaa daaha ka rogay in guddiyada ay wali kmaid yihiin saraaiil dharcad ah kana tirsan hay'adda mukhaabaraadka.

"Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay," ayuu yir.

Warsame ayaa ku daray: "Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha".

"Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan.  Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay," ayuu kusoo xiray.

Dhawaqa Warsame ayaa kusoo aadaya xilli xukuumadda xilgaarsiinta ay xalay ku dhawaaqdey in guddiyada laga saarey 34 xubnood kuwaas oo kamid ahaa 67 kale oo ay cabasho ka gudbiyeen Musharaxiinta madaxtinimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM