Warsame oo duray maqaalkii Farmaajo ee Foreign Policy

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhaleeceeyay maqaalkii uu madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo ku daabacay wargeyska Foreign Policy.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa sheegay in Farmaajo oo faalada isaga fogeeyay daahida coddeynta si weyna isugu difaacay uu mar walba mas'uul ka yahay dib-u-dhaca doorashooyinka.

Sida laga soo xigtay qoraal uu Warsame ku daabacay bartiisa gaarka ah ee mareegga Facebook, madaxweynaha xilka kasii dagaya waxaa uu lamid yahay qof ka cararaya cawaaqib ka dhasha ficil uu sameeyay.

"Juxa ayaa hadda ka hor waxaa marti qaaday Boqor, wuxuuna amray in qare ama xabxab lagu casuumo. Boqorkii iyo Juxa cunitaankii qaraha ayey billaabeen. Markii ay dhammeeyeen ayuu boqorkii qolfihii qaraha oo dhan Juxa agta ka dhigay, kaddibna dadkii ayuu isugu yeeray oo uu ku yiri “bal eega cirweynida Juxa, kiintaalka qolfaha ah iyo waxa uu qare cunay," ayuu Warsame yiri.

Wuxuu intaas ku daray: "Dadweynihii madaxa ayey gacanta saareen, iyagoo cirweynida Juxa ka yaabban. Juxa isagoon is lurin buu si yar u yiri “ War boqorka cir weynida igu eedaya, qarihii iyo qolofkiiba wuu isku cunay".

"Maqaalka Madaxweyne hore Farmaajo uu leeyahay “Eedda doorashada anigu ma lihi” waa taas oo kale. Eedda doorashada, dagaalkii dhacay iyo dalka wixii ka go’ayba isagaa leh," ayuu hadalkiisa kusoo afjaray.

Qormadda Farmaajo oo ciwaankeedu ahaa "ha igu eedeyn dib-u-dhaca doorashooyinka Soomaaliya" ayaa u muuqatay hadaljeedinti 28-kii April, 2021 oo loo turjumay English maadaama wax cusub aysan ku jirin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM