Wasiir Fiqi & Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA oo looga yeeray Golaha Shacabka

Image
Xildhibaanada ayaa soo jeediyay in labada mas'uul looga yeero Golaha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka Baarlamaanka, kaasoo looga hadlay saameynta fatahaadaha iyo roobabka xooggan ee ka da’ay deegaannada kala duwan ee dalka.

Mudanyaasha Baarlamaanka ayaa soo jeediyay aragtiyo kala duwan oo ku aadan qaabka wax looga qaban karo dhibaatadan ay ku barakaceen in ka badan 500,000 oo Soomaali ah.

“Kalfadhigii hore waxaa ka hadlay 23 Xildhibaan, waxaana kalfadhigan ka hadlay 25 Xildhibaan, kuwaasi oo qaarkood soo jeediyay in Wasiirka ًArrimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Hay’adda SoDMA loo yeero.”

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa qaatay talada Xildhibaanada, wuxuuna ugu baaqay mas’uuliyiinta inay horyimaadaan Baarlamaanka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ka soo horjeeda qaabkii ay dowladdu wax uga qabatay fatahaadihii dalka ka dhacay, iyadoo qaarkood ay ku eedeeyeen dowladda inay iska indha tirtay deegaanada qaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM