Wasiirka caafimaadka Turkiga oo soo gaarey Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka caafimaadka dowladda Turkiga, Dr Ahmet Demircan ayaa saaka oo Isniin ah soo gaarey magaalada Muqdisho.

Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Dr Ahmet Demircan kusoo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana loo galbiyay wafdiga xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Dr Ahmet Demircan ayaa waxaa la socday Dhaqaatiir iyo Mas'uuliyiin kala duwan, waxaana ay Muqdisho keeneen gargaar caafimaad iyo daawooyin loogu talo galay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.

Booqashada Wasiirka ayaa timid, kadib markii Madaxweyne Erdogan uu amray in loo gurmado shacabka waxyeellada kasoo gaartey qaraxa, iyadoo Turkiga loo qaadayo dhaawacyada culus.

Waxaa jira dowlado kale, oo ay kamid yihiin Kenya, Ethiopia, Djibouti oo la filayo inay gurmad caafimaad u fidiyaan dadkii ku dhaawacmay qaraxii 14-ka bishan October ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Laakiin hadda, dowladda Turkiga ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay oo kasoo jawaabo codsigii dowladda Federaalka Soomaaliya ay u jeedisay dowladaha saaxiibada yihiin ee ahaa inay ka caawiyaan daaweynta shacabka ku dhaawacmay masiibada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM