Weerar Bam ah oo lagu qaadey xarunta degmada Kismayo

Image

Kismayo [GAROWE ONLINE]- Xarunta maamulka degmada Kismaayo ayaa caawa 26 August,2014 weerar Bam gacmeed lagu qaaday, dhisamahaan ayaa kasoo horjeeda saldhiga dhexe ee Booliska magaalada Kismaayo iyo halka lagu magacaabo fagaaraha Beerta xuriyada. Dhismaha xaruntaan cusub ayaa maalintii shaley xariga laga jarey

Ma jirro khasaare ka dhashay qaraxaan lagu soo weerarey xarunta degmada Kismayo

Maamulka degmeda Kismayo ayaan weli ka hadlin qraxaan lala beegsadey xafiisyadooda iyadoo waqtiga lagu tuurayo Bam gacmeedkaan ilaalada ku sugan halkaas rasaas badan faraha ka qaadey.  Tirro dad ah oo ka ag dhaw xarunta degmada Kismayo ayaa markii uu qaraxu dhacey ciidamada Booliska  xireen.

Axadii la soo dhaafnay ayey aheyd markii weerar sidaan oo kale weerar lagu qaaday Taliyaha ciidamada ammaanka magalada Kismaayo ka soo dhaawac fudud soo gaarey.

Magaalada Kismayo ayaa waxaa ka socda kulan u dhexeeya Wasiiro ka socda dowlada Federaalka, madaxda sare ee maamulka Jubaland iyo xubno ka socda urur goboleedka IGAD.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM