Weerar Bam ah oo lagu qaadey xarunta degmada Kismayo

Image

Kismayo [GAROWE ONLINE]- Xarunta maamulka degmada Kismaayo ayaa caawa 26 August,2014 weerar Bam gacmeed lagu qaaday, dhisamahaan ayaa kasoo horjeeda saldhiga dhexe ee Booliska magaalada Kismaayo iyo halka lagu magacaabo fagaaraha Beerta xuriyada. Dhismaha xaruntaan cusub ayaa maalintii shaley xariga laga jarey

Ma jirro khasaare ka dhashay qaraxaan lagu soo weerarey xarunta degmada Kismayo

Maamulka degmeda Kismayo ayaan weli ka hadlin qraxaan lala beegsadey xafiisyadooda iyadoo waqtiga lagu tuurayo Bam gacmeedkaan ilaalada ku sugan halkaas rasaas badan faraha ka qaadey.  Tirro dad ah oo ka ag dhaw xarunta degmada Kismayo ayaa markii uu qaraxu dhacey ciidamada Booliska  xireen.

Axadii la soo dhaafnay ayey aheyd markii weerar sidaan oo kale weerar lagu qaaday Taliyaha ciidamada ammaanka magalada Kismaayo ka soo dhaawac fudud soo gaarey.

Magaalada Kismayo ayaa waxaa ka socda kulan u dhexeeya Wasiiro ka socda dowlada Federaalka, madaxda sare ee maamulka Jubaland iyo xubno ka socda urur goboleedka IGAD.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM